Jaakad madow oo aad u dheer, kabo Sports oo aad u cad iyo Gantaalka Yasin-105 waa kuma Dagaalyahanka caalamka ka yaabsaday?
Warbaahinta qaar ayaa ku tilmaantay dagaalyahankii ugu Style-ka qurxoonaa, qaar kale ayaa ku tilmaamay inuu yahay Robin Hood-kii Gaza halka qaar kalana leeyihiin iska ilow Superman, Spiderman iyo Batman ama Iron-man haatan waxaa soo baxay Gaza-Man.
Guutooyinka Al-Qas**m ayaa todobaadkii hore baahiyay muuqaalka mid kamid ah dagaalyahanadooda kaasoo si aan horay loo arag uga soo muuqday kaamirada, wuxuu ku labisnaa Jaakad madow oo dheer, surwaal madow iyo kabo Sports oo cad, wuxuuna gacanta ku watay Gantaalka Yasin-105 ee burburiya Taangiyada Isra*l kuwooda ugu casrisan, waxaa lala yaabay qaabka uu u boos qaatay iyo siduu u beegsaday Taangiga asigoo waliba wadada bartankeeda taagan.
Lama yaqaano magaciisa iyo wajigiisa midna balse wuxuu ka tirsanyahay Kumaandooska difaaca adag kaga jira aagga magaalada Khaan Yoonis ee Koonfurta Gaza ku taalo, halkaasoo cadowga ku wajahayo dagaalo kharaar oo lagu baabi'iyay.
Duulaankii Uxud Nabiga scw ayaa seef kor u qaaday kadibna wuxuu yiri; Yaa seeftaan xageeda siinayo? Waxaa istaagay saxaabigii waynaa ee geesiga ahaa Abuu Dujaana asigoona yiri; Aniga Rasuul allow ee muxuu yahay xaqeeda?
Nabiga scw ayaa yiri; in gaalada qoorta uga goysid ilaa ay iska dhiibaan.
Abuu Dujaana ayaa seeftii qaaday wuxuuna ahaa geesi aanan gaban sidoo kalana wuxuu lahaa socodka laafyaha ee kibirka laga dheehan karo, Nabiga scw ayaana arkay Abuu Dujaana oo safafkii gaalada dhex jibaaxayo xili uu qaab isqaad-qaad iyo kibir ka muuqda u dhex maray cadowga, markaa ayuu Nabiga scw yiri; Waa socod uu Allaah ka carooda marka laga reebo in xaaladaan oo kale lagu jiro.
Yacni xiliga jihaadka waa la ogolyahay midaas, sidaas oo kale mujaahidka Style-kiisa laga yaabay waa xaalad maxmuud ah oo la mahdiyo dadkiina aad ugu riyaaqeen.
Inkastoo dadka ula baxeen magacyo badan sida Robin Hoodka Gaza, Dagaalyahanka ugu Style-ka qurxoon, Superman iwm balse aniga waxaan u bixiyay Abuu Dujaanihii Gaza.
Post a Comment