Talo Maanta Ama Maalin Kle Ku Anfaceysa
1- Noqo Qof Xishood badan oo ha noqon mid meel Walba Oo La Buuxo ka dhex qeyliya Carabkaaga ka adkaaw.
2- Haddii dhibaato, Murugo, Qalbi-jab ku soo wajahdo marnaba ha quusan, hana isku mashquulin Music, Musalsal ama madadaalo kale. Kuwani dhib ma xalliyaan balse waqtiga uun bay kaa luminayaan. Si geesinimo leh u wajah dhibtada ilaa aad ka xalliso.
3- Sharaftaada ilaali Jirkaagana ha siin qof aan Xalaal u aheyn ( Dumarka La Hadla).
4- Jooji Caadada ah inaad habeenkii wareegto kana fagow Dadka Aan Dhaqanka Wanaagsaneyn.
5- Noqo Qof adag Sabarka iyo dulqaadkana weheshta oo waayaha aduunkana u dulqaadata.
6- Marnaba haka fogaan Cibaadada Allah oo yeysan ku Sirin Adduunyada Dhaldhalaalka iyo Beenta badan.
7- Xasuusnoow Geerida haddii aad Maanta ka Badbaadid, Berito iney ku sugeyso ogoow, isla markaasna ku dadaal inaad mar kasta Rabbi u Towbad keentid.
8- Noqo Qof waqtigiisa sida ugu saxan uga faa'ideysta ha isku mashquulin waqtina haku bixin wax aan berito Anfac kuu laheyn.
9- Naftaada meel waliba oo ay ku dareemeyso Dayac iyo Daneyn la'aan ka dheereey Sharaf iyo Karaamo ku dhimo weligaada.
10- Hadii Aad Reer lee Dahay noqo mid u dhega nugul Lamaanahaaga daruufaha iyo waayaha Iskugu dulqaata hadii daruuf ama ay dhib kale jirto Sirtiina ama khilaafkiina Reeraha kale ha gaarsiinin oo si Hoose isku xaliya.
11- Ha is qaawin oo xijaabka ha tuurin hana sameynin wax Allah Cara gelinaaya ( Dumarka La Hadla).
12- Haka guurin gurigiina haddii aysan Hooyadaa ku galbin iyadoo raali kaa ah, Mar kasta ku fakir inaad Hooyadaa ka farxiso( Waalidka Markasta No.1 Haku Ahaado).
13- Ha isku bedelin si dadka kuu Jeclaadaan, Ahow qofka aad tahay dadka Saxda ah ayaa ku jeclaanaya.
14- Ka fogow is bar-bardhig Adduun. Yaa taajirsan?, Yaa Cilmi badan?, Yaa Qurxoon?, Yaa Caansan? Iwm.
15- Kuwa Nolosha ku guuleystay waa kuwa Kufay, Xanuunsaday, Murugooday, Qalbi jab dareemay, laakin ugu dambayn waa kuwaas ka baxay ee Faraxsan, Qanacsan waliba Sabarka Wehesho.
Guulayso walaalkey/Walaashey Goor kasta iyo Goob walba.
NGU SOO BIIR
Post a Comment