Waxaa dhacday in islaan duq ah oo u dhalatay Faransiiska da'deedana tahay 90 sano ay dunidaan ka weysay hal qof oo ehel ah, ninkeedii mar hore ayuu dhintay waxayna dhashay hal gabar iyo wiil ay ayeeyo u aheyd kaasoo gabadha dhashay balse labadaba wey geeriyoodeen.
Waxay ku nooleyd guri ku yaalo bartamaha Paris sanadkana waa 1965-tii, maadaama ay 90 jir tahay wax biilana uusan jirin sidoo kalana aysan shaqeysan karin waxay arintaa keentay in noloshii ciriiri ku noqoto.
Arintii waxaa ka faa'ideyso is dhahay nin qareen ahaa wuxuuna usoo bandhigay islaantii in uu bil walba siin doono 2,500 oo Frank inta ay nooshahay cimrigeeda, taas badalkeedana markey geeriyooto gurigeeda kusoo wareejiso asiga.
Duqdii horay ayay ka ogolaatay heshiiskii wuxuuna qareenka heshiiska lakala saxiixday ku daray qodob ah inaanan marnaba laga laaban karin duruuf kastoo dhacdo wax kansali karana heshiiska uusan jirin.
Sidii ayaa heshiiskii lagu kala saxiixday, balse maxaa dhacay?
Qareenka wuxuu is lahaa duqdaan 90ka gaartay hadey u badato 2 ama 3 sano ayay noolaaneysaa weyna dhimaneysaa sidaas ayaadna adiga guriga ku heleysaa, balse duqdii waxay noolaatay ilaa ay ka gaartay 122 sano, oo 32 sano kale kale ayay sii noolaatay.
Qareenkii wuxuu geeriyooday duqdii oo 117 sano jir ah gadaashiisna 5 sano kale dheeraad ah ayay sii nooleyd ayadoona gurigeediina gurigeedii ilaashatay bil walbana biil joogto ah heleysay, halka qareenkiina qarashka guriga lagu iibsan karay 3 jibaarkiisna ka baxay gurigiina uusan helin.
Dadka qaar waxay u maleeyaan in cimrigooda ka dheeryihiin sidaas owgeedna dadka kale xeelad ahaan uga faa'ideysan karaan, balse ma oga in cimriga Allaah bixiyo qof walbana noloshiis
a qorantahay.
Post a Comment