Wali ma is weydiisay waxa dhici kara hadii dhulka u wareegto qaabka uu hada u wareegto cagsigeeda? Maxaase dhici doono haduu gabi ahaanba wareega joojiyo? Akhriso adaa yaab afka taagi doonee.
Dhulka aanu ku noolnahay wuxuu sameeyaa labo wareeg, sidaan wada ognahay wareega koowaad waa midka uu naftiisa ku wareegsado kaasoo sabab u noqdo habeenka iyo maalinta.
Wareega labaad waa midka uu ku dul wareegsado qoraxda waana wareega sameeyo afarta Fasal ee sanadka (Jiilaal, Xagaa, Gu’ iyo Deyr).
Lkn wali ma isweydiisay waxa dhici karo lacala hadii dhulka qaabkiisa dabiiciga ma ahee dhinaca kale u wareegsado?
1-Wuxuu si weyn saameyn ugu yeelan doonaa wareegaas cimilada guud ee aduunka.
2-Qoraxda waxay kasoo bixi doonta galbeed oo ah halkii ay u dhici jirtay iyadoona u dhaceyso Bari oo ah halkii ay kasoo bixi jirtay.
3-Tani waxay la micno tahay in bariga aduunka uu noqon doono meesha ugu qabow.
4-Cimilada guud ee dhulka waxay noqon doontaa mid qalalan xiliga jiilaalka.
5-Dhirta iyo keymahaba dhulka ay ku badanyihiin waxay isku badali doonaan dhul lama dagaan ah.
6-Si lamid ah dhulka lama dagaanka wuxuu noqon doonaa dhul keymo iyo dhir ah.
7-Xeebaha aduunka ayaa gabi ahaanba qarsoomi doono iyagoo meelo kale kasoo bixi doonaan taasoona sabab u noqon doonto iney dabar go’aan noocyo fara badan oo noolayaal ah.
Laakiiiin, laakiin maxaa dhacayo hadii dhulka wareega uu joojiyo gabi ahaanba????
Waa dhamaadka nolosha dadka ku nool koonkaan, waana dhamaadka waxkasta oo dhulka guudkiisa saaran.
Maxaan ka baranay casharkaan?
Aduunkaan burburkiisa gabi ahaanba wuxuu ku tiirsanyahay in hal ilbiriqsi xitaa halmar dhulkaan istaagto taasoo sababi karto dhamaadka noolaha dhulka ku nool.
Waxaa mahad leh allihii qaadirka ahaa ee koonkaan abuuray.
Isha xogta; Al-Jazeera.
Post a Comment