1} Niyadda gasho maalin walba in ay tahay maalintii adduunka kuugu dambeysay laga yaabaa in ay maalin uun run kugu noqoto.
2} Wax walba qurux ayay leeyihiin, laakiin ma arki karo qof waliba.
3} Waxa aan u malayn jiray waxa ugu xun nolosha in ay tahay kelinnimada. Ma ahan. Waxa ugu xun nolosha waa la-joogista dad aad agtooda ku dareemeysid kelinnimo.
4} Haddii aad u hoggaansantid dhammaan sharciyada, waxaad seegi doonta wixii xiiso leh oo dhan.
5} Qofku waa in aanu aad daacad u noqon. Dhirta toosan waa kuwa loogu hor jaro, dadka daacadda ahina waa kuwa loogu hor qiyaameeyo.
6} Maanta waxa aan samayn doonaa waxa ay dadka kale rabaan in aan sameeyo, si aan berri u dhammaystiro waxa aan dadka kale awoodin.
7} Waxaa nolosha jira labo doorasho oo aasaasi ah: in aad aqbasho xaaladahu sida ay yihiin, ama in aad aqbasho masuuliyadda kaa saaran in aad beddesho iyaga.
Mansha allah
ReplyDeletePost a Comment