Sirdoonka masar oo 10 maalmood ka hor digniin udiray dhigooda moosaad

Yaabkaan bal arka; Wakaalada wararka ee AP ayaa sheegtay in sirdoonka Masaarida 10 maalmood kahor weerarkii Xamaas digniin u direen dhigooda Israel una sheegeen halista wayn ee kusoo wajahan. 

 Sargaal ka tirsan sirdoonka Masar kaasoo magaciisa sababo amni owgeed u qariyay ayaa u waramay wakaalada wararka ee AP (Associated Press) wuxuuna sargaalkaan sheegay in Taliyaha sirdoonka Masar Major General Abas Kamel uu si shakhsiyan u wacay Ra'iisul Wasaaraha Yahuuda Benjamin Netanyahu una sheegay halista kusoo wajahan iyo in ururka Xamaas weerar wayn qorsheynayaan, 

Balse xafiiska Netanyahu ayaa arintaas iska indho tiray, markii warkaan uu soo baxayna wey beeniyeen wax digniin caynkaa iney ka heleen dhanka Masar. 

 Munaafaqada Masar heerkaa ayay mareysaa in Israel dhanka sirdoonka kala shaqeyso Mujaahidiinta xaq u dirirka ahna dhabarka jabiyaan. 

Balse labada qoloba Allaah ayaa garabkooda ka baxay sirta Mujaahidiintana xifdiyay.

Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post